Walaal, ku soo dhowow koorsadan la yiraahdo: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka.
Waxaad tahay arday wanaagsan, oo waxaad dhammaysay koorsadii kowaad oo la oran jiray Bilowgii Dadka. Haddana, la soco koorsadan labaad oo la yiraahdo Axdigii Ilaah la dhigtay dadka.
Koorsadii kowaad waxaannu ku barannay wax ku saabsan Aadan iyo Xaawo, Nebi Nuux, Nebi Ibraahim iyo Yuusuf. Koorsadan labaadna waxaannu ku baran doona qisooyinkii Nebi Muuse, Haaruun, Nebi Daa’uud, Nebi Sulaymaan iyo nebiyo kale taariikhdood. Waxaad kaloo baran doontaa:
- Sidii Ilaah uga badbaadiyey reer binu Israa’iil isticmaalkii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar.
- Sidii Ilaah Badda Cas ugu banneeyey, markii reer binu Israa’iil ay dalka Masar ka baxeen.
- Sidii Ilaah ula hadlay reer binu Israa’iil Tobanka Amar, markii ay ag joogeen Buurta Siinay.
- Sidii Ilaah dadkaas u geeyey dalka Kancaan (Falastiin).
Koorsadan casharradeed intooda badan waxaa laga soo dhex saaray Tawreed iyo Sabuurrada. Bal xusuuso, Tawreeddu waa shanta kutub oo Kitaabka Quduuska ah ugu horraysa. Sabuurrada waxaa laga helaa Kitaabka Quduuska ah dhex bartankiisa. Sabuurradu wuxuu ka kooban yahay 150 sabuurro. Sabuurradaas intooda badanu waa madiix Ilaah ammaan ah iyo cibaado Ilaah lagu caabudayo.
Koorsada kale oo tan ka dambaysa waxaannu ku baran doonnaa Injiil, oo macnaheedu yahay warka wanaagsan ama bishaaro khayr. Injiilku waa hadalkii iyo ficilladii Ciise Masiix.
Kitaabka Quduuska ahu wuxuu leeyahay laba qaybood oo waaweyn. Qaybta kowaad waxaa la yiraahdaa Axdigii Hore. Qaybta labaadna waxaa la yiraahda Axdiga Cusub. Tawreed iyo Sabuurrada iyo nebiyo kale oo badan kutubtii loo soo waxyooday waxay ku jiraan Axdigii Hore. Injiilkuna wuxuu ku jiraa Axdiga Cusub.
Marka aannu baranayno Tawreedda iyo Kitaabka Quduuska ah intiisa kaleba, waxaannu ka arki karnaa in Ilaah maammulo oo ka shaqeeyo arrimaha dadka iyo taariikhdiisaba. Run ahaantii, Kitaabka oo dhammu waxaa weeye oo uu ka sheekaynayaa sidii Ilaah dadka ula dhaqmay iyo sidii dadkuu Ilaah ula macaamiloodeen.
Halkan waxaa ku yaal waxyaalo muhiim ah oo kitaabka ku qoran iyo taariikhdii ay waxyaalahaasu dhaceen.
• 2000 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor ayaa Ilaah Nebi Ibraahim ku amray inuu ka haajiro dalkiisii hooyo oo Mesobotamiya ahaa (oo maanta loo yaqaan Ciraaq).
• 1700 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor ayaa Yuusuf dalka Masar nin weyn oo sharaf leh ku noqday. Aabbihiis Yacquub iyo carruurtiisii oo idil ayaa Masar u guuray.
• 1300 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor ayaa Nebi Muuse dadkii reer binu Israa’iil ka kaxeeyey dalka Masar. Dadkaas Buurta Siinay ayaa Ilaah ugu muuqday oo wuxuu halkaas ku siiyey Tobanka Amar. Dabadeedna, waxay galeen dalka Falastiin.
• 1000 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor ayaa Nebi Daa’uud boqor u noqday dadkii reer binu Israa’iil. Waaggaas ayaa Ilaah u soo waxyooday Sabuurrada.
• 700 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor ayaa Boqortooyadii Woqooyi oo reer binu Israa’iil la jebiyey oo waxaa addoomo ahaan u kaxaystay dad la oran jiray reer Ashuur.
• 580 sanno dhalashadii Ciise Masiix kahor boqortooyadii koofureed oo qabiilka Yahuudah addoomo ahaan loogu kaxaystay. Waxaa jebiyey oo qabsaday dad la oran jiray Kaldayiin. Waa dambe ayey dalkoodii ka soo noqdeen oo waxay dib u dhiseen macbuudkii weynaa oo ku yiil magaalada quduuska ah.
• Tirinta sannooyinku waxay ku bilaabatay dhalashadii Ciise Masiix.